GUDAHA/wararka

Dadkii horay uga barakacay Koofurta Lubnaan oo billaabay in ay dib ugu laabtaan Guryahooda

Koofurta Lubnaan waxaa ka socda dib u noqoshada Dadka ka barakacay duqaymaha ay fulinayeen Israa’iil ee dhaliyay dhimashada, Dhaawaca iyo cabsida lasoo deristay Dadkaas kaddib markii uu dhaqan-galay heshiiska lagu dhisay Aagga Tijaabada.

Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, dadkaan oo intooda badan ku sugnaa dhulka Miyiga ah ee Koofurta Lubnaan waxa ay dib ugu laabtaan dhulkooda maadaama Israa’iil ay ku qasbanaatay inay dib uga duruqdo isla markaana ay joojiyo duqaymaha ay fulinayso.

Heshiis horay uga dhacay Washington oo dhexmaray Dowladda Lubnaan iyo Maamulka Israa’iil ayaa lagu go’aamiyay tallaabadaan isugu jirta joojinta colaadda, dib u raadista ciidanka gumaystaha iyo dib u dejinta dadkii halkaas ka barakacay.

Dadka ayaa markii ay dib ugu laabteen deegaankooda waxa ay Warbaahinta u sheegeen in aanay aqbali doonnin in gumaystaha Israa’iil uu kusoo dhawaado dhulkooda ama damco in uu qabsado iyaga oo horay u siibay calanka Maamulkaas oo buuraha la suray.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

16 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

18 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

19 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago