Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada duleedka magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidankii Xooga Dalka gaar ahaan Taliska Guutada 5-aad Qaybta 27-aad oo uu Hogaaminaayo Taliyaha Guutada Korneel Maxamuud Ibraahim Xasan (Baakaay).
Sidoo kale, howlgalka ayaa waxaa ciidanka xoogga ku wehliyay askar deegaanka ah oo uu hoggaaminayo Korneel Cali Dhuux Mahad-alle.
Saraakiisha ciidanka xoogga ayaa sheegay in howlgalladan lagu bartilmaameydsaday goobo ay ku sugnaayeen AS, iyadoo laga gaarey ujeedkii laga lahaa.
Maalmihii la soo dhaafay AS ayaa la wareegay magaalooyinka Maxaas iyo Moqokori oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana soconaya dhaqdhaaqyo ay ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka doonayaan in ay dib kula wareegaan.
Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Militeriga ayaa iska kaashanaya dhaqdhaqaaqyadan dib loogu abaabulayo ciidanka si ay dib ula wareegaan magaalooyinka muhiimka ah.
Moqokori iyo Maxaas ayaa ku yaalla goobo istraatiiji ah, waxaana muddo ku sugna ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…