Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo AS ayaa ku dagaalamaya Magaalada Buurgaabo ee Gobolka Jubada Hoose, weerarka ayaa ku billowday Gaari lagu soo raray Walxaha Qarxa sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Qarax kaddib waxaa si toos ah u billowday dagaal dhexmaraya Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo iska caabbin kala hortagay xubnaha katirsan ‘AS’ ee weerarkaan qaaday sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Magaalada Buurgaabo waxaa la sheegay in ay ku sugan yihiin Saraakiil katirsan Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo halkaas kawaday abaabul ka dhan ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay joogaan.
Buurgaabo waxa ay muhiim u tahay Dalalka Soomaaliya & Kenya, dagaalka ayaa la sheegay in ay ku biireen ciidamo katirsan kuwa Kenya, Dowlad-Goboleedka Jubbaland weli kama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkaan.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…