Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanno ka tirsan labada shabeelle

Wararka naga soo gaaraya inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanno dhaca Wabiga Jiinkiisa.

Dad ku sugan Toolooyinka ay tageen Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada dowladda oo saaka ka baxay Degmada Afgooye ay gaareen sohdinta labada Gobol ee Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Degaannada ay Ciidamada saaka tageen waxaa ka mid ah Beerta Aadan Seerar,Tuulada Baqdaad iyo Koontaroolka Kala Beyr ee Sohdinta labada Gobol u dhaxeysa.

Degaannada ay la wareegeen Ciidamada dowladda ma jirin wax dagaal ah ama iska hor imaad ah oo laga soo wariyay.

Kala Beyr waxaa uu kaabiga ku hayaa Tuulada Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ku suganyihiin Al-shabaab,waxaana u dhaxeeya waxka yar 10KM.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan oo Wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal Tobaadkan ayaa sheegay in Ciidamada AL-shabab ee weerarrada ka geystay Shabeellaha dhexe ay ku suganyihiin Tuulada Basra,loona baahanyahay in halkaas laga fuliyo howlgal ka dhan ah.

Dadka degaanka ee saaka la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in howlgalka saaka aysan ku jirin Ciidamada AMISOM,islamarkaana Ciidamada dowladda kaliya ay tageen degaannada kor ku xusan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

12 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

15 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

17 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

18 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

19 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

19 hours ago