Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa howlgallo lagu sugayo amniga kawada deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan ciidamo hubaysan oo halkaas ku sugan sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Ciidanka Federaalka ayaa howlgalkii ay ka billaabeen Waqooyiga Magaalada Muqdisho usii gudbiyay deegaanno dhaca Gobolka Shabeelaha Dhexe oo soo xiga dhinaca Caasimadda halkaas oo la sheegay in ay u baxsadeen ciidamo hubaysan oo maalmo kahor soo galay Gobolka Banaadir.
Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacado kahor waxa ay howlgallo hub baaris ah ka sameeyeen Degmooyinka Cabdicasiis, Kaaraan, Gubadley iyo deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.
Booliiska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay howlgallo hub uruurin ah wixii ka dambeeyay markii ciidanka Federaalka iyo kuwa ilaalo u ah Madaxweynihii hore ee Dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore, Xasan Cali Khayre ay isku dhaceen 3dii Bishaan inkasta oo markii dambe lasoo gabagabeeyay howlgalladaas.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…