Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo metalaya Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo wada ololaha qaybtii labaad ee Doorashada ayaa sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu caadeystay caga-jugleynta uu ku sameynayo xubnaha la tartamaya.
Cirro waxa uu intaas ku daray in deegaannada Maamulka Somaliland uu isbaddel dib u dhac uu ka jiro 7dii sano uu maamulka u hayay Muuse Biixi Cabdi, qorshaha looga soo kaban karo ayuu ku sifeeyay in ay tahay in laga saaro.
Xisbiga Waddani ayaa dadka codeynaya ka dalbaday in ay codkooda ku ciil baxaan kuna doortaan isbaddelka cusub, waxa uu rajeeyay in fariintiisa ay dhaqangeli doonto marka la gaaro 13ka Bishaan oo ah maalinta Doorashada.
“Muuse Haloo sheego 4 cisho ayaa u dhiman, Weli waxa uu u hanjabayaa Ragga la tartamaya, Xukunkii Xukuumaddii Muuse wuu soo dhammaanayaa, Marka isbaddel dhaco waxa ay Somaliland ka raysaneysaa 7 sano oo xarrig iyo hanjabaad ah, iska hor keenista beelaha & dhaqaale burbur ah” Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.
Waxaa socda wajiga labaad ee ololaha Doorashada Maamulka Somaliland, Xisbiyada ugu adag ee doodaha kulkulul is dhaafsanayaa waa Kulmiye oo talada haatan haya iyo Waddani oo doonaya in uu isbaddel cusub dhaliyo.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…