Cabdirashiid Janan Wasiirka Amniga Jubbalan oo dib ugu soo noqday dalka kaddib arrimo caafimaad oo uu u tegey Kenya ayaa markii ugu horreysay waxa uu kahadlay sida uga baday xabsi-guri ay gelisya dowladda Soomaaliya Augusto -2019, Janan waxa uu sheegay in aan xabsi rasmi ah lagu hayn ee hadba xaafad kamid ah xaafadaha Muqdisho lagu hayey.
Janan ayaa u sheegay BBC Somali in uu haysto ciidan ku filan oo difaaca islamarkaasna uusan wax cabsi ah ka qabin dhinaca nabadgelyadiisa, isaga oo kahadlayey sida uu uga baxay Muqdisho ayuu yiri: “Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”, ayuu yiri.
Janan oo kajawaabay su’aal la xiriirra eedaha loo haysto oo ay kami dyihiin in uu ku kacay dil kabaxsan sharciga iyo maxkamadaha islamarkaana geystay xadgudub kadhan ah dad rayid iyo baaqa qabashadiisa ee ay soosaartay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty ayaa sheegay in aysan jirin dhammaan eedahaasi.
Janan waxa uu intaas ku daray in uu ku sugan yahay siina joogi doono Magaalada Balad-Xaawo ilaa inta uu dib isugu abaabulayo Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu sheegay in awooddiisa la kala dhantaalay, safarka Janan ee Beledxaawo waxaa ku wehliya madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Dowladda Uganda ayaa xirtay Peter Elwelu oo hore u soo noqday taliye ku-xigeenkii Ciidanka Difaaca…
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xilka hoggaamiye ee maamulkaas haya 146…
Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa billaabay inay si tartiib-tartiib ah uga baxaan Dalka si…
War kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu cambaareeyay faragalinta Israa'iil ay ku hayso Soomaaliya kaddib…
Wasiirka Gaashaandhigga Hindiya, Rajnath Singh ayaa sheegay in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen…
Dhallinyaro Soomaali ah oo Dalka Liibiya u tagay in ay uga sii tahriibaan Qaaradda Yurub…