C/Casis Lafta gareen oo kulamo la qaatay saraakiisha Amaanka Baydhaba

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa xalay kulamo la qaatay saraakiisha Amaanka ee Maamulka Koofur Galbeed.

Laftagareen ayaa Ciidamada amaanka saraakiishooda kala hadlay sidii loo sugi lahaa amniga Magaalada Baydhaba loona hagaajin lahaa xiriirka dadweynaha iyo Ciidamada amaanka.

Waxaa kale oo ay isla soo qaadeen in maanta Magaalada Baydhabo ay ka dhacdo munaasibadda xuska sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliska Soomaaliyeed oo sanadkiiba mar maanta oo kale la xuso.

Inkasta oo kulamada dhexmaray Lafta Gareen iyo hoggaanka Ciidamada amaanka aan war rasmi ah laga soo saarin haddana,saraakiil ka mid ah kuwa amaanka Koofur Galbeed ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Madaxweynaha cusub iyo Saraakiisha amaanka ay isku afgarteen qaabka loo wajahayo xasilinta Baydhaba.

Lafta Gareen ayaa shalay loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana lagu dhaariyay isla goobtii lagu doortay inkasta oo aan wali la caleemasaarin.

Mustaqbal media

Recent Posts

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

2 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

7 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

7 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

9 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

9 hours ago