Dalka Burundi waxaa ku badan qishka Imtixaannada,waxaana sheekada ugu weyn ee laga hadal hayo Dalkaasi tahay Nin la sheegay in uu Imtixaan ku matalayay askari ka tirsan AMISOM.
Waliba Ninkan oo ay Booliska Xireen waxaa uu madax ka yahay Iskuul,hayeeshee waxaa uu iska dhigayay Arday Imtixaan u gelaya Jaamacad.
Benjamin Manirambona, waxaa uu ka yimid Dugsiga Farsamada ee Buterere waqooyiga Magaalada Bujumbura.
Saraakiisha Waxbarashada iyo ciidanka Booliska ayaa ugu tagay isaga oo ka shaqeynaya Warqaddii ugu dambeysay ee Imtixaanka oo uu ku matalayay Askari ka tirsan Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya.
Manirambona,markii ay qabteen Booliska ee uu waayay meel uu u baxsado waxaa uu iska sheegay Runta,waxaana xaqiijiyay in Askariga jira Soomaliya uu lacag u ballan qaaday haddii uu Imtixaanka ku baaso si uu Jaamacad uga sii gudbo.
Waxaa uu wali gacanta ugu jiraan Ciidamada Booliska oo ku haya xabsi ay leeyihiin,kiiskiisa ayaana la filayaa in Maxkamad loo gudbiyo.
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…