War kasoo baxay Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgalkii ka socday Degmada Cabdicasiis ee hub baaris ahaa lasoo gabagabeeyay iyada oo Shacabka lagu wargeliyay in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.
Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in dadkii degenaa goobaha colaaduhu saameeyeen iyo dadkii ku ganacsanayay ay dib ugu laabtaan halkaasi.
Qoysas aan la tirakoobin ayaa ka barakacay Xaafadaha u dhow halka ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa la socday Madaxweyne hore, Shariif Sheekh Axmed ee kolkii dambe laga soosaaray halkaas.
Booliiska Soomaaliya ayaa shalay Muqdisho kusoo bandhigay Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay sheegeen in uu lahaa Madaxweynihii 7aad ee Sooomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo 3dii iyo 4tii bishaan ciidankiisu ay la dagaalameen kuwa Dowladda Federaalka.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…