GUDAHA/wararka

Biden oo loo gudbiyay dalab ah in uu dib Soomaaliya ugu celiyo Ciidamada Mareykanka.

Sida uu ku warramay Wageyska The Wall Street Journal, Saraakiil Mareykan ah ayaa Madaxweynaha 46aad ee Dalkaas Joe Biden ka dalbaday in uu ogolaado qorshe dib ciidamada Ameerikaanka loogu celinayo Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in sare u kacday awoodda Al-Shabaab kaddib markii Soomaaliya laga saaray Ciidamada Mareykanka, sidaas awgeed Taliyayaasha leh soo jeedinta ay gudbiyeen codsi ah dib u celinta Ciidanka la saaray Janaayo 2021.

“Waxa aan ognahay in awoodda Al-Shabaab ay sare usoo kacday tan iyo markii Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Soomaaliya, Waa loo darsaday Ciidanka Ameerikaanka oo dagaal adag kula jiray Shabaab” ayuu yiri Sarkaalkaan la qariyay Magaciisa & derajadiisa ee la hadlay Wargeyska The Wall Street Journal.

Waxa uu daaha ka rogay in uu jiro dalab loo gudbiyay Madaxweyne Joe Biden oo ah in uu fasaxo dib u celinta Ciidamada laga saaray Soomaaliya oo ka yimid Taliyayaasha Militariga oo arkaya “Halista Al-Shabaab ee kahortagga u baahan” sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkaan magaciisa qariyay ayaa ku cataabay in haddii aan la ogalaan ciidamada kahortagaya halista Al-Shabaab ay suuragal ka dhigeyso in Shabaab beegsadaan Danaha Mareykanka & saaxiibadooda ee Afrika.

Mareykanka ayaa gaabiyay duqeynta uu ka fuliyo Soomaaliya oo si is daba-joog ah u dhaceysay markii Ciidamada ay ka joogeen Dalka, taasi waxa ay dhalisay cabasho kasoo yeertay waxyeellada Dadka rayidka ah kasoo gaartay duqeymahaas.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch & Amnesty International ayaa wadajir u sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya waxyeellada Mareykanka uu u geystay Dad rayid ah oo dhimasho, dhaawac iyo ku guryo beelay deegaanno u badan Koofurta Soomaaliya.

Washington ayaa qiratay in yar oo kamid ah Kiisaskaas balse kama bixin magta (Diyada) Dadka ku dhintay hubka Ameerikaanka ee Duqeynta ugu adeegsaday, waxa ay taasi dhalisay in cadaadiska ku xoojiyaan Hay’adaha Amnesty & Humar Right.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

3 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

7 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

11 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

12 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

13 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

13 hours ago