Iyada oo maalmihii la soo dhaafay kulamo magaalada Garoowe uga socdeen Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira qoddobada ay isla meel dhigeen.
Axmed Madoobe iyo Deni ayaa ka wada hadlayay arrimo ay kamid yihiin xiriirkooda iyo sidii ay u mideyn lahaayeen Mowqifkooda Xaaladda Siyaasadeed ee dalka.
Labada mas’uul ayaa ku kala arragti fogaa arrimo badan oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, tan iyo sannadkii 2022 markaasi oo la doortay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhow kulamada ka socda Garoowe ayaa sheegay in Deni iyo Axmed Madoobe isku soo dhawaansho ka gaareen qoddobada ay isku hayeen.
Waxaa la filayaa in ay soo saaraan War-murtiyeed la xiriira xaaladda dalka iyo go’aankooda la xiriira wada-tashiyada ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…