GUDAHA/wararka

‘AS’ oo weerar ka gaysatay Ismaamulka Mandheera

Xubno lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin ‘AS’ ayaa weerar si siman u dhacay ka gaystay Magaalooyinka Arabia iyo Fino ee Ismaamulka Mandheera, waxaana ka dhashay dhaawaca hal qof oo la sheegay in uu ahaa Carruur naas-nuug ah.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee Mandheera ayaa sheegay in ciidamadu ay jawaab ka bixiyeen weerarkaas isla markaana ay raad-raaceen xubnihii weerarka fuliyay oo ay ku tuhunsan yihiin inay katirsan yihiin ‘AS’

Xubnaha weerarka fuliyay ayaa lagu sheegay in ay gaarayeen 10 ruux, waxaa socda howlgallo lagu raadinayo si loosoo qabto maadaama aanay suuragal noqon Karin inay ka tallaabaan xadka halkaas oo la dhigay ciidamo badan oo feejigan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu dhacay iyada oo gabbalka uu sii dhacayay dadkana intooda badan ay isu diyaarinayeen Salaadda Maqrib, waxaana dadka lagu wargeliyay in ay soo gudbiyaan xogta dadkaas weerarka fuliyay.

Kenya ayaa todobaadkii hore waxa ay ciidamo dheeraad ah soo dhigtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, ujeedka waa in ay kahor tagaan kala gudubka ‘AS’ ee Deegaannada soohdinta dhaca maadaama ay dhowr jeer weerarro halkaasi ka dhaceen.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

2 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

5 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

6 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

7 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

8 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

9 hours ago