Xubno katirsan AS ayaa Deegaanka Raar oo 10 KM u jira Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ka afduubatay ku dhowaad 10 qof oo katirsan shaqaale hay’ad kuwaas oo xiligii la afduubanayay waday gargaar sida ay Mustaqbal Media u sheegeen ilo kala duwan.
Shaqaalaha la afduubtay ayaa waqtigii ay qafaalanayeen AS waxaaa la sheegay in ay ku howlanayeen bixinta Malmalaadada Carruurta la siiyo iyo Gargaar kale balse kooxdii afduubatay ayaa ku qasab ah goobta uga kaxaysatay sida xogaha la helayo ay ku warramayaan.
Hay’adaha Samafalka ayaa xarumo waa weyn oo gargaarka bani aadamnimo laga bixiyo waxa ay ku leeyihiin Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay Maamulka Koofur Galbeed iyada oo kaddib kaalmadaas loo qaybiyo tuulooyinka iyo deegaannada ee u dhow degmadaas.
Ma jiro war kasoo baxay Maamulka Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay, Koofur Galbeed, Saraakiisha Amniga iyo Hay’adaha ay u shaqaynayeen Shaqalaahaan la afduubtay oo la sheegay in AS ay u kaxaysatay deegaannada ay maamusho.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…