Aqriso: Nuxurka Khubaddii Haysom jeediyay Caawa

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Khudbad ka jeediyay kulanka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Haysom ayaa Dowladda Federaalka ah ku eedeeyay faragelinta cad ee ay ku heyso dowlad Goboleeedyada iyo xarigga Mukhtaar Rooboow.

Waxaa uu sheegay in faragelinta dowladda dhexe ku heysto dowlad Goboleedyada ay sababi karto in sida loogu talagalay aysan u dhicin doorashada Sanadka 2020ka.

Waxaa kale oo uu sheegay in xarigga Mukhtaar Rooboow uu niyad jab ku hayay dadka ku jira AL-shabaab ee doonaya in ay isaga baxaan Ururka iskuna dhiibaan dowladda Federaalka ah.

Nicholas Haysom ayaa amaanay hanaanka Maaliyadeed ee dowladda Federaalka ah,waxaana uu ku bogaadiyay in ay halkaas ka sii wadaan.

Dhinaca kale Nicholas Haysom marna sooma hadal qaadin go’aankii dowladda Federaalka ah ay isaga dalka uga saartay.

Dowladda dhexe ayaa ku eedeysay Haysom in uu faragelin ku sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya taasina ay baal marsan tahay waajibaadkiisa qaramada Midoobey.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka dhamaaday dulqaadka, go’aanka laga gaaray Haysomna uu yahay mid aan dib looga laabaneyn.

Mustaqbal media

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

22 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

5 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

7 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago