Ciidanka Amniga ee Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoos yimaada.
Ciidanka ayaa howlgallada ka wada gudaha magaalada iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo askarta ay ku sugan yihiin waddooyinka waaweyn, isgoysyada muhiimka ah, iyo xarumaha dowladda.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in weli wadaan howlgallada ay iska kaashanayaan ciidanka Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka.
Howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ayaa imaanaya xilli magaalada Dhuusamareeb ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxda sare ee Maamulka Galmudug, qeybaha bulshada iyo odoyaasha dhaqanka, isagoo kala hadli doona sugida amniga iyo dardar galinta dagaalka AS.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa daahfuri doona dhismayaal la hirgaliyay iyo dayactir lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…