GUDAHA/wararka

Aljeeriya oo hawadeeda ka joojisay Diyaaradaha Imaaraatka

Dowladda Aljeeriya ayaa maanta oo jimco ah dhaqangelisay go’aankii ay ku joojisay inay hawadeeda adeegsadaan Diyaaradaha uu leeyahay Isutagga Imaaraatka Carabta ee isugu jira kuwa Rayidka ah iyo kuwa Ciidanka ah.

Aljeeriya ayaa shalay jartay cilaaqaadka ay la wadaagtay Imaaraatka Carabta oo far bukta ka noqday Dalalka Islaamka iyo kuwa Khaliijka kaddib markii uu faragelin aan dhammaad lahayn ku sameeyay dalal badan taasi oo sababtay in meel cidlo ah kusoo dhacdo Abu Dhabi.

Diyaarado kooban oo kuwa Ganacsi ah ayaa la siiyay fursad muddo kooban ah iyaga oo ilaa dhammaadka sannadkaan 2026 ay adeegsan karaan Houari Boumediene ee Aljeeriya iyada oo qudheeda lala soconayo dhaqdhaqaaqyada heshiisyada ka baxsan.

Aljeeriya ayaa ku biiraysa Liiska Dalalka aan cilaaqaadka xiligaan kala dhaxayn Isutagga Imaaraatka Carabta kuwaas oo kala ah Soomaaliya, Yemen, Iiraan, Suudaan iyo kuwo kale kaddib markii ay ka dhiidhiyeen xadgudubka & faragelinta Xukuumadda Abu Dhabi.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

10 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

13 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

15 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

15 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

16 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

16 hours ago