Agaasimaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa ka qayb galay shirkii 2-aad ee iskaashiga sirdoonka ee Mashariki oo ka dhacay magaalada Naivasha, Kenya.
Shirkaas waxaa isugu yimid wakiillo ka kala socday in ka badan 60 hay’adood oo sirdoon ah oo ka kala yimid Afrika iyo dalal kale, waxaana lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta sirdoonka iyo la dagaalanka argagixisada, dambiyada abaabulan iyo hanjabaadaha internetka.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in NISA ay ka go’an tahay iskaashi buuxa oo lagula dagaallamo khataraha amni, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish. Waxa uu carabka ku adkeeyay in madasha noocan oo kale ah ay muhiim u tahay wadaagista xogaha amniga iyo dhisidda isbahaysiyo adag oo gobolka ah.
Shirka waxaa sidoo kale lagu lafaguray istaraatiijiyado cusub oo lagu xoojinayo amniga gobolka iyo ka hortagga khataraha joogtada ah ee Geeska Afrika.
Mustaqbal
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…