72 maalmood ka dib, maamulka Koofur Galbeed ayaa yeeshay Hoggaamiye rasmi ah oo noqon doona Aadan Maxamed Nuur.
Doorasho ka qabsoontay magaalada Baydhabo, ayaa waxaa Aadan la tartamay hal Musharax oo ah Cabdicasiis Maxamed Cusmaan Jawaari, halka Shariif Xasan oo ahaa Musharax kale uu qaaday Doorashada.
Sida uu shaaciyay Guddoonka Golaha Wakiilada ee Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Madoobe ayaa helay codad gaaraya 88, halka Musharixii la tarmay ee Cabdicasiis Maxamed Jawaari helay 1 cod.
Aadan Madoobe ayaa badali doona Cabdicasiis Laftagareen oo dagaal looga saarey magaalada Baydhabo, ka dib markii ay is qabteen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ka hor inta aan la dooran Aadan Madoobe wuxuu afartii sano ee la soo dhaafay hayay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…
Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…
Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…