Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlayay Macalimiin howlgab ah oo gaarayay 180 waxa uu ka dalbaday in ay dusha saartaan mas’uuliyadda Waxbarashada Ardayda Soomaalida Kenya.
Aadan waxa uu tilmaamay in barayaashaan ay buuxinayaan boosaskii ay ka kala tageen Macalimiinta kenyanka ah ee cabsida uga carartay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kadib markii ay naftooda kala baxeen weerarada Al-Shabaab.
Hogaamiyaha Aqlabiyadda Kenya ayaa kulanka uu la qaatay Macalimiinta ka dhex sheegay in hab dhaqanka Hay’adda Macalimiinta Kenya ay u muuqato Takoor iyo Awood sheegasho. Sida uu hadalka u dhigay.
Barayaasha howlgalka ah ee looga fursan waayay dib ugu laabashada Dugsiyada Waxbarashada waxa uu u jeediyay in ay noqdaan xalka dhabta ah ee waxbarasho la’aanta dhulka Soomaalida, si aysan u dayacmin Mustaqbalka Jiilka waxbaranaya.
Aadan Barre waxa uu tilmaamay in Kenya ay ku howlan tahay sugidda amniga, iyada oo ay taasi jirtana waxa uu codsaday in dulqaad loo muujiyo, si looga gun-gaaro hadalka ay hiigsanayaan Bulshada Soomaalida ee Kenya.
180 Macalin oo Soomaali ah, ayaa si tabarucaad ah ugu biiray goobaha Waxbarashada Kenya, kadib markii Macalimiinta aan deegaanka u dhalay ay isaga baxeen, maadaama ay u dulqaadan waayeen falalka amniga liddiga ku ah ee halkaa ku kordhay.
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…