WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Midowga Musharaxiinta oo beesha Caalamka u gudbiyay talobixin ku saabsan qabashada doorashada 2021!

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021, ayaa u direy qoraal “digniin iyo talobixin ah” beesha caalamka taasoo ku saabsan sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa lagu xusay in loo baahan yahay guddi doorasho oo dhammaan dhinacyada ay quseyso ay ku qanacsan yihiin iyadoo lagu sheegay qoraalka in goluhu uu diyaariyay xubnaha guddiga farsamo ee laga saarayo guddiga.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu baaqay in ay kulmaan guddoomiyaha golaha sare iyo oday dhaqameedyada ka soo jeeda Somaliland ayna soo xulaan guddiga farsamada ee doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland,laguna qabto doorashada labada gole ee xildhibaanada Somaliland Xalane iyadoo ammaankana ay sugayaan ciidamada AMISOM.

Qoraalka ayaa lagu xusay in maadaama waqtiga qabashada doorashada uu gabaabsi yahay in lagu qabto doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose hal goob halkii hore ay u ahayd in lagu qabto labo magaalo oo dowlad goboleed walba loo asteeyay.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta;

MM Staff

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

2 mins ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

4 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

7 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

8 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

9 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

10 hours ago