Guddiga Maamulka Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee ( SEIT) Puntland ayaa maanta Guddiga Doorashooyinka ee heer Federal ee (FEIT) Ku wareejiyay xogta iyo Warqadaha Foamamka doorashadii ka dhacday Puntland ee lagu soo doortay Xildhibaanada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Dowlad Gobaleedka Puntland.
Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal ayaa 16 March 2022 sheegay 24 march 2022 ay hubin doonaan dhammaan xogta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal SEIT Puntland ayaa maanta ku wareejiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal xogta xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa lagu waday in ay sii idlaato 15 march 2022 balse dib u dhac kale ayaa ku yimid.
No Comments