Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee Koofur Galbeed ayaa soo gudbiyay 7da kursi ee ku harsan oo haddii la doorto maalmaha soo socda ka dhigeysa in Dowlad-Goboleedkaas uu soo gabagabeeyay Xildhibaannada kusoo aaday.

SEIT Koofur Galbeed ayaa rejo ka muujiyay in kuraastaan lagu doorto 5 cisho gudahood maadaama Golaha Wadatashiga Qaranka uu 24kii Febaraayo 2022 go’aamiyay in kuraasta dhiman lagu soo doorto ugu dambeyn 15ka Maarso 2022.

Kuraasta kusoo baxay diiwaanka waxaa kamid ah, kursi uu daneynayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo muddo xileedka Dowlad-Goboleedkiisa bilooyin kooban ay ka dhiman yihiin.

Laftagareen oo horay ugu fadhiyay kursiga HOP#172 ayaa markale daneynaya in uu dib u dhigto doorashadiisa si uu xubinnimada Golaha Shacabka ugu mid noqdo si lamid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Koofur Galbeed Cali Siciid Faqi.

Yaa ku fadhiya kuraastaan?

HOP#181: Maryan Macalin Isaaq.

HOP#204: Macallin Cali Aadan.

HOP#197: Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.

HOP#179: Maxamed Axmed Maxamed Garweyne.

HOP#172: Cali Caddow Maxamed.

HOP#164: Maxamed Isaaq Cismaan Fanax.

HOP#047: Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.

No photo description available.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS oo guud ahaan ka kooban 275 waxaa la doortay 219 mudane, 54 Xildhibaan ayaa dhiman, muddada lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo 5 cisho ayaa ka harsan.

No photo description available.

Mustaqbal