Magaalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu qabtay doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Lixda kursi ee maanta lagu doortay Baraawe ayaa waxa ay ka mid yihiin 13 kursi uu Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Koonfur Galbeed uu shaaciyay 11 Febraayo 2022.
Doorashada kursiga koowaad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#062, waxaana ku soo baxay Aweys Maxamed Cumar kaas oo helay 80 cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Abuukar Maxamud Macalin Cumar uu heley 20 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.
Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Cali Yuusuf Cismaan.

Waxaa xigtay doorashada kursiga labaad kaas uu tirsigiisa uu yahya HOP# 251, waxaana ku guuleysatay markale Nuuracayn Khaliif Sheekh Abuu ayaa heshay 90 cod halka musharaxii la tartamaysay oo aheed Faaduma Abuukar Shekh ay heshay 8 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.

Waxaa xigtay doorashada kursiga seddexaad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#195, waxaa ku soo baxay Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) kaas oo helay 82 cod halka Musharaxii la tartamayey oo ahaa Nuur Cali Nuur uu helay 19 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT koonfur Galbeed.
Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad Maxamed Nuuraani Bakar

Waxaa xigtay doorashada kursiga afaraad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#087, asiga oo ku guuleystay Dr Cali Saciid Faqi oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS, asiga oo helay 80 cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Nuur Cumar Aadan uu helay 16 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.
Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Shariif Sheekhuna Maye

Waxaa xigtay doorashada kursiga shanaad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#057, kaas oo ku soo baxay Muqtaar Axmed Xasan, asiga oo helay 87 cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Iidle Ibraahim Nuur uu helay 7 cod, waxaana halaabay 1 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.
Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Axmed Cumar Islaw

Waxaa xigtay doorashada kursiga lixaad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#194, asiga oo markale ku soo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Xamza Saciid Xamza kaas oo helay 83 cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Qasaali Fiqi Abuu uu heley 12 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT koonfur Galbeed.

No Comments