Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari waxaa maanta lagu doortay qaar kamid ah Kuraasta Deegaan Doorashadoodu tahay Magaaladaas waxaa la qabtay doorashada HOP#157, HOP#227, HOP#273, HOP#234, HOP#076, HOP#169, HOP#083, HOP#220, HOP#149, HOP#158, HOP#027, HOP#036, HOP#222, HOP#228, HOP#142 & HOP#190.
Kursigii ugu horreeyay ee Boosaaso lagu doortay 2022 waa HOP#157 waxaa ku guuleystay Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), Iidle Cali Axmed ayaa isu diiwaangeliyay in uu kula tartamo musharaxa ku guuleystay, waxaa Baarlamaankii 10aad ku fadhiyay Maxamed Cabdullaahi Faarax.

Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi) ayaa dib ugu guuleystay HOP#227, shahaadada musharaxnimo waxaa qaadatay Muna Cali Mire Cartan balse ku guuldareysatay in ay ku guuleysto, waa kursigii labaad oo maanta lagu doortay Boosaaso.

Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud (Ameeriko) Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ku guuleystay HOP#273, codeyn gacan-taag ah ayuu ku helay 99 cod kaddib markii Sahro Maxamed Maxamud Cali, Kursigaan waxaa ku fadhiyay Cabdi Maxamuud Maxamed (Afdhuub).

Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali ayaa noqotay Haweeneydii ugu horreysay ee lagu doortay Boosaaso 2022 waxa ay ku guuleysatay HOP#234 Kaddib markii ay tanaasushay Aamina Cabdiwali Maxamed. kursigaan waxaa ku fadhisay Deeqa Siciid Xasan.

Muuse Axmed Ismaaciil oo helay 101 codad gacan-taag ah ayaa dib ugu guuleystay HOP#076 kaddib markii Doorashada ka tanaasushay Faaduma Ibraahim Ismaaciil. Waa Xildhibaankii labaad ee dib ugu soo laabtay 16ka kursi ee Boosaaso lagu doortay.

HOP#169: waxaa ku guuleystay Cali Mahdi Maxamed oo helay 97 cod, waxaa kula tartantay Xafsa Cali Axmed. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta XFS oo aan kusoo bixin liiska Musharixiinta ku tartameysa.

Maxamed Bashiir Cali oo helay 95 cod oo gacan-taag ah ayaa ku guuleystay HOP#083 kaddib markii ay tanaasushay Aamina Maxamed Ciise. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Cabdullaahi Bile Nuur.

Cali Xaaji Daahir Saleebaan ayaa ku guuleystay HOP#220, Codeynta u dhacday Gacan-taag ayuu ku helay 101 cod maadaama uu tanaasulay Axmed Burhaan Cumar. Waxaa ku fadhiyay Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Faysal Axmed Maxamuud ayaa codeyn Gacan-taag ah ku helay 101 cod, waxa uu ku guuleystay HOP#149, Faaisa Cabdixakiim Maxamed. Waxaa kursigaan ku fadhiyay Axmed Ismaaciil Maxamed.

HOP158: waxaa ku guuleystay Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa codeyn gacan-taag ah ku helay 100 Ergo, Muna Maxamuud Dalmar ayaa tanaasushay kahor codeynta. Cilmi Cumar Cilmi (Caysane) ayaa beeshiisa ku metalay Baarlamaanka 10aad ee Golaha Shacabka JFS.

Siciid Cali Muuse ayaa ku guuleystay HOP#027 waxa uu helay 98 cod oo gacan-taag ah maadaama uu tanaasulay Cabdulqaadir Jaamac Cabdi. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha XFS.

Maxamed Aadan Diini ayaa noqday Xildhibaankii 12aad ee isla maanta lagu doortay Boosaaso, HOP#036 ayuu ku guuleystay waxa uu helay 99 cod oo gacan-taag ah maadaama ay u tanaasushay Faaisa Jaamac Muuse. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa ku fadhiyay kursigaan.

HOP#222: Caynaanshe Yuusuf Xuseen ayaa ku guuleystay Codeyn gacan-taag ah, Roodo Yaasiin Yuusuf ayaa kahor codeynta ku dhawaqday in ay tanaasushay. Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa ku fadhiyay kursigaan.

Cabdifitaax Faarax Mire ayaa ku guuleystay HOP#228, kaddib markii uu helay 98 Cod oo gacan-taag ah maadaama ay tanaasushay Xamdi Cabdilaahi Maxamed. waxaa ku fadhiyay Maxamuud Axmed Ciise Maas.

HOP#142 waxaa codeyn gacan-taag ah ku guuleystay Ismaaciil Shire Jaamac oo helay 84 cod, waxaa tanaasulay Siciid Maxamuud Maxamed. Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa ku fadhiyay kursigaan.

Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ku guuleystay HOP#190 oo ah kursigii ugu dambeeyay 16kursi ee Boosaaso lagu doortay, Fatxi Cali Saalax ayaa tanaasushay. waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Cabdinaasir Siciid Muuse

Mustaqbal
No Comments