Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Koofur Galbeed ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay Doorashada 7 kursi oo ah Xidhibaannad ugu dambeeya ee Dowlad-Goboleedkaas ku harsan.

Kursigii ugu horreeyay ee Todobadaas xubnood oo ah HOP#047 ayaa waxaa ku guuleysatay Xaawo Sokor Cali ayada oo heshay 79 cod halka Faadumo Maxamed Isaaq oo la tartantay ay heshay 18 cod, sida uu sheegay SETI Koofur Galbeed. Kursigaan waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul-Insaanka XFS Haniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.

May be an image of 1 person, standing, sitting and headscarf

Xaawo Sokor CaliWaxaa xigtay doorashada kursiga labaad kaas uu tursigiisu yahay HOP#172, asiga oo ku soo baxay Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Cali Caddow Maxamed.

May be an image of 2 people and people sitting
Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan

Doorashada kursiga saddexaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#164 ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Abuukar Cabdi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Koofur Galbeed. kursigaan waxaa Baarlamaanka 10aad ee JFS ku fadhiyay Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax.

May be an image of 5 people, people sitting and suit
Maxamed Abuukar Cabdi

Waxaa xigtay doorashada kursiga afaraad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#197, asiga oo ku guuleystay Cumar Cali Isaaq (Balash) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Baay. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad  Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.

May be an image of 5 people, people sitting and people standing
Cumar Cali Isaaq (Balash)

SEIT KG ayaa ku dhawaaqay doorashada kursiga shanaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#204, kaas uu ku soo baxay Isaag Cali Subag oo ah Wasiirka Amniga DG Koofur Galbeed. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Macalin Cali Aadan.

May be an image of 2 people and people sitting
Isaag Cali Subag

Waxaa xigtay doorashada kursiga lixaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#181, waxaa markale loo doortay Maryan Macalin Isaag oo ku fadhisay Baarlamaankii 10aad, sida uu ku dhawaaqay SEIT KGS.

Maryan Macalin Isaag

Doorashada kursiga todobaad oo ah kursiga ugu dameeya kuraasta taala KG kaas uu tirsigiisu yahay HOP#179 ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Keerow Maxamed, sida uu ku dhawaaqay SEIT KGS. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Maxamed Axmed Maxamed.

Image
Maxamed Keerow Maxamed