Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Hirshabeelle ayaa maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ahna Deegaan doorashada labaad ee Dowlad Gobaleed Hirshabeelle ku qabtay doorashad saddex kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Saddexdaan kursi ayaa doorashadooda dood badan dhalisay kuwaas oo labada Guddiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed ay hakiyeen qabashada doorashadooda balse markii dambe ay fasaxeyn.
Doorashada kursiga koowaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#030 ayaa waxaa markale ku soo baxay Xildhibaankii ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Daahir Amiin Jeesow, Jeesow ayaa codka gacan taag ah loo qaaday ka dib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayay oo ahaa Cali Cabdullahi Xeefow. Sidaas uu ku noqday Xildhibaanka ku fadhiya doona kursigaan Baarlamaanka 11aad. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Hirshabeelle.

Waxaa xigtay doorashada kursiga labaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#010, asiga oo ku soo baxay Cabdulraxmaan Axmed Cismaan ( Gureey) ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, Sida uu ku dhawaaqay SEIT Hirshabeelle. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi).
Waxaa xigtay doorashada kursiga saddexaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#066, kaas uu ku soo baxay Maalik Ibraahim Cabdalla, asiga oo helay 58 cod halka musharaxiintii la tartameysay ay kala heleyn Cabdiraxmaan Daahir Guure oo helay31 cod iyo Cumar Cusmaan Waasuge oo ku fadhiyay kursigaan Baarlamaankii 10aad ayaa helay 7 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Hirshabeelle.

No Comments