GUDAHA/wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS “Itoobiya oo kusoo xadgudubtay Qarannimadeenna & Midnimadeenna waxa ay ka hartay howlgalka AUSSOM”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in Itoobiya laga reebay howlgalka cusub ee AUSSOM ee billaabanaya billowga sanadka soo socda 2025.

Ka harista Itoobiya ee howlgalkaan ayuu Wasiir Cabdulqaadir ku tilmaamay in ay ka dhalatay kaddib markii ay ku xadgudubtay qarannimadda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka maadaama ay shaacisay heshiis ay la gaartay Maamulka Somaliland ee Gobollada Waqooyi JFS.

Wasiir Jaamac waxa uu sheegay in ay jiraan Dalal cusub oo soo dalbaday kamid noqoshada howlgalka AUSSOM balse dhawaan la shaacin doonno marka lasoo gabagabeeyo buuxinta shuruudaha sida uu hadalka u dhigay.

“Itoobiya oo kusoo xadgudubtay Qarannimadeenna & Midnimadeenna waxa ay ka hartay howlgalka AUSSOM, howlgalkaan cusub waxa uu noqon doonnaa nambar aad u yar, goobaha ay joogi doonnaan waxa ay noqon doonnaan kuwo aad u yar, waxa ay ciidanka qaranka ka caawinayaan arrimaha farsamada” Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gudbisay qaraar ka dhan ah Itoobiya si looga reebok amid noqoshada howlgalka cusub ee AUSSOM, Xukuumadda Addis Ababa waxaa Dalka ka jooga ciidamo qaarkoodood fasax ka heysta ATMIS iyo kuwo kale oo aan la ogeyn ujeedka joogitaankooda Dalka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

1 hour ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago