GUDAHA/wararka

Wafdi sare oo ka socda QM oo soo gaaray Muqdisho, iyaga oo kulan la leh Madaxda Sare ee dalka

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee QM, Rosemary A. DiCarlo ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho, iyada oo la filayo in ay kulamo la yeelato Madaxda ugu sarreysa ee dalka oo ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh.

Kulan horudhac ah ayay la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, James Swan.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulamadan horudhaca ah looga hadlay dib u billaabida kulamada Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii shalay shirkoodii soo gaba-gabeeyay.

“Waxa ay ka wada hadleen dib u bilaabista shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 26-ka October” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee QM ayaa isku soo hadal qaaday howlgalka kala guurka ah ATMIS oo waqti gabogabo ah maraya.

Wafdigaan ay hoggaamineyso Ku xigeenka Xoghayaha guud ee QM ayaa kulan la leh madaxda sare ee dalka, iyaga oo ka wada hadli doona xaaladda guud ee dalka sida arrimaha amniga, siyaasadda iyo bixitaanka Howlgalka ATMIS.

Mustaqbal

 

 

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…

4 hours ago

Wasiir Bashiir Goobe oo ku baaqay in Soomaaliya ka gudubto deeqaha Caalamiga ah

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…

6 hours ago

Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka jira HirShabeelle, dib ma u dhigi karaan doorashada bishaan?

Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…

7 hours ago

Scotland, Wales & North Ireland oo Madaxbannaani ka qaadanaya Ingiriiska

Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…

9 hours ago

Jabuuti oo qaabishay Qaxooti kasoo cararay Colaadda Yemen

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…

10 hours ago

Canada oo Xoogga saaraysa in ay Yurub la wadaagto xiriir ka madaxbannaan Maraykanka

Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…

10 hours ago