GUDAHA/wararka

Toogasho ka dhacday Qudus oo lagu dilay 5 ruux oo Yuhuud ah

Toogasho maanta ka dhacay Magaalada Qudus ee Israa’iil ay xoogga ku haysato waxaa lagu dilay 5 ruux oo Yuhuud ah halka lagu dhaawacay tiro intaas ka badan sida laga soo xigtay Saraakiil katirsan Booliiska oo la hadlay Warbaahinta.

Goobta toogashadu ka dhacday waxaa gaaray ciidamo katirsan booliiska Israa’iil ee loo tababaray kahortagga rabshada iyo falalkaan oo kale, waxa ay isku gedaameen goobtaas iyaga oo hakad galiyay isu socodka Dadka si loo yareeyo khasaaraha sida hadalka loo dhigay.

Idaacadda Ciidamada Israa’iil ayaa sheegtay in suuragal ay tahay kororka khasaaraha ka dhashay weerarka toogashada ah ee ka dhacay Bariga Qudus, waxa ay intaas ku dartay in uu socdo baaritaan lagu raadinayo xogta guud.

Weerarrada toogashada ah iyo kuwa loo adeegsado mindida ayaa bilihii dambe ka dhacayay Magaalooyinka Israa’iil ay xoogga ku haysato, digniin uu soosaaray Booliiska waxa uu shacabka uga digay isu imaanka Dadka badan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

4 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

6 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

6 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

7 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

20 hours ago