GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahacelisay taageerada difaaca iyo la dagaallanka AS

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Wasiir Fiqi uu ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, la dagaallanka Al-Shabaab, iyo mashaariicda lagu horumarinayo awoodda Ciidamada Qalabka Sida.

Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad ayaa dhankiisa uga mahaceliyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi soo dhaweentiisa ee Xafiiska.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Soomaaliya ka fulisa mashaariic horumarineed oo ku saabsan dhanka arrimaha Bani’aadannimada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo waxbarashada.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

11 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

14 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

15 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago