GUDAHA/wararka

Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay is dhaafsiga khibradaha amniga iyo difaaca

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Pakistan, Mohammad Ishaq Dar iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee ku saabsan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadceliyay Pakistan fursadaha ay siiso ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhismaha hay’adaha.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in la kordhiyo is-weydaarsiga khibradaha ee ku saabsan amniga, difaaca iyo caafimaadka, iyadoo la fududeynayo dhaq-dhaqaaqa muwaadiniinta labada dal, gaar ahaan arrimaha fiisaha.

Dhankiisa, Wasiir Mohammad Ishaq Dar ayaa mar kale xaqiijiyay in Pakistan ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso xasilloonida Soomaaliya iyo horumarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Mas’uuliyiinta kala matalaya Soomaaliya iyo Pakistan ayaa ka wada qeyb galaya shirkii 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Soomaaliya iyo Pakistaan ayaa leh xiriri diblumaasiyadeed oo qoto dheer, waxaana dalkaasi wax ku barta boqolaal arday Soomaaliyeed oo ka faa’iideysanaya Waxbarashada sare.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

4 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

5 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

8 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

8 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

20 hours ago