Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Baku, dhigiisa dalka Azerbaijan, Jeyhun Bayramov.
Kulanka ayaa ayaa diirradda lagu saarray xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, beeraha , tamarta, waxbarashada iyo amniga.
Labada dhinac ayaa waxa ay caddeeyeen muhiimadda ay leedahay ambaqaadka wadatashiga iyo iskuduwidda arrimaha la falgalaya xiriirka dhinacyada badan, sida Qaramada Midoobay, Dhaqdhaqaaqa Wadamada Siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee aan janjeerin (NAM) iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa leh xiriir wanaagsan, iyaga oo kala saxiixday heshiisyo qotoma dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Mustaqbal
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…