GUDAHA/wararka

Shir waynihii dhismaha SSC Khaatumo oo markale baaqday

Warar ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya inuu baaqday shirkii maanta loo ballansana looga hadlo dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada ka socday kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Mas’uuliyiinta Maamulka & Madax heer Federaal ah iyo hoggaanka Dhaqanka.

Mid kamid ah kulamadan ayaa waxaa yeeshay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo Golaha Dhaqanka Ssc-Khaatumo

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray dhammaystirka Dawlad-Goboleedka SSC-Khaatumo iyo habsami u socodka dhammaan hawlaha Shirweynaha.

Sidoo kale, dhankiisa Wasiira Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh oo ku sugan Laascaanood ayaa la kulmay qeybaha bulshada SSC Khaatumo, isaga oo kala hadlay qabsoomida shirka.

Waxaa jira qaar kamid ah hoggaanka Dhaqanka ka horyimid howlaha qabashada Shirwaynaha, kuwaasi oo sheegay in aan la tashiyo laga sameyn.

Dowladda Federaalka ayaa hore ugu dhawaaqday in ay tixgalineyso howlaha lagu dhisayo maamul ay yeeshaan deegaannada SSC Khaatumo.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

4 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

5 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

6 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

7 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

7 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

21 hours ago