Dowladda Shiinaha ayaa u digtay Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo faragelin ku haya Dalkiisa kaddib markii uu sheegay hadal uu ku garab istaagayo Taiwan oo qayb ka ah dhul weynaha Shiinaha.
War kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in waraysigii uu Cabdiraxmaan Cirro uga hadlay arrinta Taiwan ay uga digayaan sidaas awgeed haddii uu ka waantoobi waayo ay qaadi doonnaan tallaab ka dhan ah.
Safaaradda ayaa sheegtay in Maamulka Waqooyi Galbeed ee Cabdiraxmaan Cirro u aqoonsan tahay in uu yahay qayb kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas oo kalena Taiwan ay tahay qayb kamid ah dhulka Shiinaha.
Xukuumadda Beijing ayaa horay digniin ugu dirtay maamulka Waqooyi Galbeed iyo Taiwan iyada oo sheegtay in tallaabooyinka ay qaadayaan kahor imaanayaan axdiga Qaramada Midoobay iyo dasaatiirta Shiinaha iyo Soomaaliya.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda federaalku si joogto…
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso horumarinta iyo awoodda Ciidamada Militariga Soomaaliya si…
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa Magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgallo…
Roob saacado badan ka da’aya Magaalada Muqdisho ayaa sababay in ay istaagaan isu socodka waddooyinka…
Maraykanka ayaa sheegay in uu abaalmarin lacageed oo dhan $5 Milyan oo doollar uu siinayo…
Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la'aanta…