Saraakiiisha Ciidamada Danab ee ka howlgala Deegaanada Jubbaland ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay waxyeelo ku gaarsiiyeen howlgalo ay ka sameeyeen deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.
Labo saldhig oo ay leeyihiin Ciidamada Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayay saraakisiha tilmaameen in ay ka qaadeen duulaanka.
Taliyaha ururka labaad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Gaashaanle Mooraal ayaa sheegay in ay howlgalka ka qaadaan Baar sanguuni, dhankooda aan khasaare soo gaarin.
Dhanka Al-Shabaab ayuu sheegay in dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen inkasta oo uusan shaacin tirada, waxaana Taliye Mooraal uu intaa ku daray in ay sii wadayaan Howlgalada.
Taliyaha Ciidamada Danab ee ka howlgala Jubbaland ayaa sheegay in ay tageen deegaanada Dhaay-Cabdi iyo Koman, ciidamada howlgalkooda kadib ay dib ugu soo laabteen saldhigooda.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii dambe waday abaabul dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ay qaadaan Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM, waxaana mararka qaar howlgalada ka qaybgala diyaaradaha Dagaalka Mareykanka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…