58; ka mid ah Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa isaga baxay dalka kuwaas oo dhameystay howlihii ay u hayeen AMISOM.
Saraakiishan ayaa waxaa ay inta badan ka shaqeynayeen xarumaha ugu waaweyn ee AMISOM ku leedahay Soomaaliya.
Tigabu Yilma oo ah Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaliya ayaa billado guddoonsiiyay saraakiisha AMISOM ka tirsan ee ka baxay Dalka.
Isaga oo la hadlayay Saraakiisha ayuu yiri “dadaalkiinna waxaa uu horseeday in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay nabad ku naalloodaan, Muqdisho kaliya maahee xitaa qeybo ka mid ah Goboollada”.
Intii Munaasibaddaadi socotay ayaa waxaa Taliyaha lagu wareejiyay Koob ay ku guuleysteen saraakiishan oo qaaday tartan Kubadda Gacanta ah oo ay qaban qaabisay AMISOM.
Taliyayaasha AMISOM ayaa u mahadceliyay Saraakiisha kala duwan ee ka baxay Soomaaliya,waxaana ay ugu hambalyeeyeen sida ay ugu guuleysteen howshoodii Soomaaliya ee dhamaatay.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…