Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan geystey ee ay Al-shabaab ka fuliyeen degaanka Gololeey ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa cambaareeyay weerarkaas waxaana uu u tacsiyeeyay ehellada askartii ka socotay Burundi ee ku dhintay weerarka.
Musa ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika uusan niyad jebineynin weerarrada noocaas ah sidoo kalena aysan ka jeesan doonin taageerada dowladda Soomaaliya ilaa ay Soomaaliya nabad ka noqoto.
Musa Faki Maxamed ayaa ugu baaqay beesha Caalamka in ay ka qeybqaataan islamarkaana xoojiyaan taageeradooda AMISOM si looga adkaado A-shabaab.
Waxaa uu sheegay in taageero muuqata laga doonayo Al-shabaab oo uu sheegay in ay sare u qaadeen howlgalladooda ka dhanka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Mr Faki ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda Burundi oo ay Ciidamadeeda ku jiraan howlgalka isaga oo ku tilmaamay in howlgal naf hurnimo leh u joogaan Dalka Soomaaliya
Dowladda Burundi ayaa qiratay in sabtigii todobaadkan 12 Askari uga dhinteen weerar ay AL-shabaab ku qaadeen kolonyo ka mid ahaa Ciidanka Burundi oo marayay tuulada Gololey ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…