Golaha Fulinta Midowga Afrika ayaa kulan uu ku yeeshay magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea, kalfadhigiisii 47aad, ku ansixiyay in 10 milyan oo doollar oo dheeraad ah laga bixiyo Sanduuqa Kaydka Xaaladaha Degdegga ah, si loogu taageero howlgalka cusub ee AUSSOM oo ka shaqeynaya nabadeynta Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa caddeeyay in dhaqaalahan loogu talagalay taageeridda hawlaha howlgalka AUSSOM iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya.
Howlgalka AUSSOM ayaa la bilaabay horaantii sannadka 2025, isagoo beddelay howlgalka ATMIS oo muddo dhowr sano ah ka shaqeynayay Soomaaliya.
AUSSOM ayaa wajahaya caqabado dhanka dhaqaalaha ah, kaasoo saameyn ku yeelan karta fulinta hawlihiisa dhinaca amniga iyo xasilinta deegaannada Soomaaliyeed.
Midowga Afrika ayaa haatan wada dadaallo lagu raadinayo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dheeri ah, si howlgalka AUSSOM uu u yeesho awood buuxda oo uu ku fuliyo waajibaadkiisa, loogana hortago caqabadaha la xiriira dhaqaale la’aanta.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…