GUDAHA/wararka

Microsoft oo joojinaysa isticmaalka Windows 10

Shirkadda Microsoft ayaa ku dhawaaqday in dhowaan in 14ka Oktoobar 2025 oo berri ah joojineyso adeegsiga Windows 10 isla markaana loo guurayo Windows 11 sida lagu arkay fariimo ay shirkaddu u dirtay Dadka adeegsada kumbiyuutarrada & Laptop-yada.

Waxa ay shirkaddu joojisay Cusboonaysiinta (Updates) ay u diraysay marka wax lagu soo kordhiyo, taa baddelkeeda Microsoft waxa ay qaadday hannaan ay dadka ugu sii dhaweyneyso ku xirnaanta Windows 11 oo wixii berri ka dambeeya shaqayn doonna.

Shirkadda ayaa Kumbiyuutarrada iyo Laptop-yada u ogolaatay in ay cusboonaysiin karaan Windows 11 si bilaash ah (Lacag la’aan ah) waxaase ka horreeya in ay buuxiyaan shuruudaha ay daba dhigtay oo laga doonayo Kumbiyuutarka cusboonaysiinaya Windows 11.

Waxa ay si cad u sheegtay in Kumbiyuutarrada waqti hore lasoo saaray ee aan heerka awooddooda Software-ka dhammayn la jaanqaadka Windows 11 u baahan doonnaan qalab sida kan Xogta Ammaanka Kumbiyuuterka ee Trusted Platform Module (TPM).

Sidoo kale waxaa laga qiimayn doonnaa waxyaabaha laga gudbay ee ku xiran kumbiyuutaradii hore maadaama isbaddelka cusub uu saamayn ku yeeshay, waxa ay shirkaddu diyaarisay hannaan gaar ah oo Windows 11 ula jaanqaadi karaan.

Shirkadda Microsoft ayaa Windows 10 baahisay 29kii July sanadkii 2015, waxaana uu si rasmi ah usoo xirmi doonnaa 14ka Oktoobar 2025, marka muddo la joogo waxa ay shirkaddu soo bandhigtaa waxyaabo casri ah oo ay kusoo kordhiso waxsoosaarkeeda.

Microsoft ayaa sidaan oo kale horay u joojisay Windows badan, sababta ay shirkaddu sidaas u samayso waa in ay la jaanqaad ku samayso dunida casriga ah ee isbaddelaysa si ay usii haysato rukunkeeda una hesho kuwo cusub.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

34 mins ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

2 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

3 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

3 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

5 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

5 hours ago