Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qaybteeda 27-aad ayaa u fadhiisatay garmaqalka Alifle Xoogga 25,418 Maxamed Cabdullaahi Xasan Aw Nuur oo katirsan Ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB oo ku eedeysan isku day Dil taliyihiisa & Amardiido.
Maxkamadeynta Askarigaan oo ka dhacday Degmada Jowhar Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil, ciidamo & mas’uuliyiinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta 27aad.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Aadan Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ah askariga lagu soo eedeeyay labada kiis is dulsaartay ay maxkamaddu u fadhiisatay kiiskiisa.
Gaashaanle Maxamed Amiin ayaa Ciidamada uga digay in ay ku dhaqaaqaan fal liddi ku ah anshaxa ciidanka & waxyaabihii lagu soo tababaray oo ah in askarigu uu ahaa mid la shaqeeyo saraakiisha ka sarreeya iyo ciidamada uu la howlgallo.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in kiiskaan keliya uu ahaa dhageysi iyo soo bandhigista marqaatiyaasha ku marag kacay eedeysanaha wixii go’aan ah dib kasoo gudbin doonno Maxkamaddu sida uu sheegay Guddoomiye Maxamed Amiin.
Mustaqbal
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…
Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…