GUDAHA/wararka

Maxay kawada hadlayaan Saraakiisha Militariga Ruushka, Ukraine, Turkiga & QM ee maanta ku ballansan Magaalada Istanbul?

Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga waxaa maanta kulan ku ballansan Saraakiil Militari oo wakiilo buuxa ka kala ah Dowladaha Ruushka, Ukraine, Turkiga oo martigeliye ah & Qaramada Midoobay si ay uga xaajoodaan Gargaarka ku xayiran Dekedda Odesa.

Soo jeedin ka timid Qaramada Midoobay ayaa ka tarjumeysa cunno la’aanta Dunida ka taagan ee sii xoogeysatay wixii ka dambeeyay 24ka-Febaraayo-2022 oo ku beegan maalintii Ruushka uu duullaanka ku qaaday dhiggiisa Ukraine.

Dekedda Odesa ee Badda Madow waxaa ku xayiran Hadhuudh loo waday waddamada dhibaatooyinka cunno yarida ka jirta ee caalamka oo ah Dalalka ay ka socdaan dagaallada iyo kuwa ay saameynta taban ku reebeen abaaraha & is baddelka Cimilada.

Ruushka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay qorshaha lagu rarayo Raashinka Gargaarka ah ee Odesa ku xayiran balse loo baahan yahay wada-xaajood dhammeystiran oo ay goobjoog ka ahaadaan dhinacyo ka baxsan Moscow & Kyiv.

Hay’adda cunnada adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa warbixinno si daba-joog ah ay usoo saartay waxa ay ku muujisay in cunno la’aan dunida ay wajaheyso haddii aan la fasixin gargaarka ku xayiran Ukraine.

Turkiga waa waddan saaxiib la ah Ruushka iyo Ukraine waxaana uu heystaa fursad uu marweliba ku martigelin karo kulamada iyo wadahadallada labada Dal, Ankara ayaa iska ilaalisay in ay dhinac u janjeerto Moscow & Kyiv.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

11 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

14 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

15 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago