Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay dhigiisa dalka Masar, Cabdifataax Al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo iskaashiga gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay doorka Masar ay ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblumaasiyadda, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga milatari, waxa ayna isla qaateen Labada Dowladood in la dardargeliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.
Dhankiisa, Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka dagaalka AS, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi boggaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee xoojinta midnimada, amniga, iyo horumarka dalka.
Xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa sanadihii la soo dhaafay sii xooggeysanayay, iyada oo ciidan ka socda Masar ay qeyb ka noqon doonaan Howlgalka AUSSOM.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…