GUDAHA/wararka

Maxaa lagu xasuusta isku daygii Afgembi ee ka dhacay Turkiga 2016?

15-kii July 2016, dalka Turkiga wuxuu la kulmay isku day afgambi militari oo ay fuliyeen xubno ka tirsan ciidamada qalabka sida, iyada oo la xasuusto doorka shacabka Turkiga ee difaaca Dowladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Fiidkii Jimcaha 15-ka July 2016, cutubyo ka tirsan milatariga Turkiga ayaa la wareegay waddooyinka,  buundooyinka Istanbul, garoomo diyaaradeed iyo xarumo warbaahineed.

Ciidamadaas ayaa ku dhawaaqay in ay xukunka la wareegeen si ay u ilaaliyaan dimuqraadiyadda iyo sharciga dastuuriga ah.

Hase yeeshee, Madaxweyne Erdoğan oo ku sugnaa magaalada Marmaris, ayaa si deg deg ah ula hadlay taleefishinka CNN Türk, isagoo ugu baaqay shacabka inay kasoo horjeestaan afgambiga.

Dadka reer Turkida waxay si geesinimo leh ugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo hor istaagay taangiyada milatariga. Waxaa halkaasi ku geeriyooday  in ka badan 250 qof, halka laba kun oo kale ay dhaawacmeen.

Dowladda Turkiga waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo socotay muddo labo sano ah, iyadoo sameysay howlgal ballaaran.

Kumanaan askari iyo saraakiil ciidan ah ayaa la xiray, waxaana shaqada la eryay boqalaal isugu jira mas’uuliyin ka kala tirsana laamaha Dowladda.

Dowladda Turkiga waxay Afgambigaasi ku eedaysay kooxda Fatxullahi Gülen oo fadhigoodu yahay Mareykanka, inkasta oo ay iska fogeeyeen.

Afgambigii 2016 wuxuu iftiimiyay awoodda shacabka marka ay mideysan yihiin, balse waxaa jirta dhaleeceyn loo jeedinayo Xukumadda Madaxweyne Erdogan, taasi oo la xiriirta in ay gacan bir ah ku qabatay dadkii lagu tuhmay mucaaradnimada.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

18 hours ago