Hore waxaa loo ogaa, Madaxweyne markii uu tagayo goobaha dadweynaha Amnigiisa la adkeeyo, aad loo baaro dadweynaha, la yareeyo dhaqdhaqaaqa gaar ahaan gaadiid iyo shacabka, balse taasi waxay meesha ka baxday habeenkii Xurnimada 1da Luuliya.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo wata gaadiid iyo ilaalo kooban ayaa si kadis ah ku yimid Isgoyska Taleex oo ay ku sugnaayeen Kumamnaan ruux oo uu ka muuqday dal Jaceyl iyo Wadaniyad.
Dadweynaha oo u dabaal dagay Munaasabadda 1da Luuliya ayaa waxaa soo jiitay hannaanka Madaxweynaha u soo dhexgalay, maadama waayo arragnimo tan ka duwan ay heysteen.
Waxaa la arkay Muuqaalo Madaxweynaha oo aysan ka muuqan ilaalo hubeysan, isla markaasna si caadi ah u dhexmaraya dadweynaha, una soo kala ordayaan salaantiisa.
Sidoo kale, Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa tilmaamaya in tillaabadani wax badan ka badali karto Sawirka laga heysto Soomaaliya ee ah goob ay amni darro ka jirto, iyadoo la arkayo amniga iyo isku soo baxyada dadweynaha ee ku qabsoomaya sida Nabadda ah.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo hore uga badbaaday dhowr isku day dil ayaa sidoo kale ku dhiiraday inuu amnigiisa ku aamino Wiilasha Soomaaliyeed ee Askarta Ciidamada Qalabka Sida, isagoo joojiyay ciidamada AUSSOM oo qorshahooda howleed ku jiray ilaalinta Madaxda sare ee Dowladda.
Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay ka soo kabaneysay colaado Sokeeye, iyadoo sannad kasta tillaabo horumar ah loo qaadayay dhinaca Dowlad wanaaga.
Mustaqbal
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…