Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM), iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay gudaha biyaha Soomaaliya, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday doon weyn oo aan calan wadan iyo doon kale oo yar oo garab siinaysay.
Taliska AFRICOM ayaa tilmaamay in doomaha hubka saarna u socdeen AS, isla markaasna uu khatar ku ahaa dadaallada lagula dagaalamayo ee ka socda dalka.
“Waxaan beegsanay hub casri ah oo si sharci darro ah loo soo gelinayay gudaha Soomaaliya, kuwaasoo loogu talagalay Al-Shabaab. Tallaabadaasi waxay aheyd mid lagama maarmaan ah si loo yareeyo khatarta AS,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday AFRICOM.
Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujisay in aysan jirin khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.
“Waxaan si adag uga taxaddarnay in duqeymaha aysan waxyeello u geysan shacabka Soomaaliyeed. Ilaa hadda ma jiro wax caddeyn ah oo muujinaya khasaare rayid,” ayaa lagu yiri Warbixinta Howlgalka AFRICOM.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin weerarka, balse ilo ku dhow hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in laga wada shaqeeyay howlgalkaasi.
Mustaqbal
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…