Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib safar shaqo oo uu ku tagey dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa gudaha dalka Itoobiya wuxuu goobjoog ahaa munaasabada lagu daahfuray biyo xireenka webiga Nile.
Halkaasi Madaxweynaha wuxuu ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo khilaafka Biyo xireenka iyo kaalinta ay Dowladda Soomaaliya ka qaadan karto xallintiisa.
Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ka qeyb galay shirkii labaad ee looga hadlay Isbadalka Cimilada ee ka qabsoomay magaalada Adis Ababa, halkaasi oo ay isugu yimaadeen Madax caalami ah iyo kuwo Afrikaan ah.
Dhinaca kale, Madaxweynaha wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda dalalka Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo madax kale.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya kala hadlay Iskaashiga labada dhinac iyo amniga xuduudka, xilli ay taagan tahay Xiisadda gobolka Gedo.
Kulamada kale ee Madaxweynaha ka qeyb galay intii uu ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa waxaa kamid ah shir ay isugu yimaadeen qaar kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sida Itoobiya, Jabbuuti iyo Kenya. Shirkaasi ayaa diirada lagu saarey dagaalka AS iyo dhaqaale u aroorinta howlgalka AUSSOM.
Mustaqbal
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…