Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay agoonta ay dhaleen saraakiisha iyo ciidamada Dowladda ee ku dhintay dagaallada ka dhanka ah ‘AS.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tani ay muujineyso daryeelka Dowladda iyo ka warqabkooda carruurtaas oo aabayaashood naftooda huray Dalka, Dadka iyo Diinta sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ballanqaaday in ay heli doonnaan xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda mar haddii ay noqdeen agoon u baahan garabka Dowladda Federaalka sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ciidsiisay carruurta agoonta ah ee dhaleen Saraakiisha iyo Ciidamada qalabka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u helaan garab istaagga ay u baahan yihiin sida hadalka loo dhigay.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…