Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa maanta warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Dalkaas, Aadan Isxaaq Cali oo baddelaya Danjirihii ka horreeyay.
Munaasabad warqad guddoomid ah oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Koofur Afrika ee magaalada Pretoria iyada oo goobta ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka kala socota labada Dal.
Dalka Koofur Afrika waxa uu kamid yahay Waddamada ay ku badan yihiin Soomaalida kuwaas oo goobo ganacsi ku leh magaalooyinka iyo Tuulooyinka dalkaas inkasta oo ay la kulmaan dhibaatooyin ka dhan ah Ajaanib nacaybka.
Danjire Aadan Isxaaq waxaa horyaalla wax ka qabashada cabashooyinka ay qabaan Dadka Soomaaliyeed kuwaas oo naf iyo maal ku waayay rabshadaha ka socda Dalkaas maadaama howlaha safaaradda laga sugayo ay qayb ka tahay arrintaan.
Mustaqbal
Dalka Cape Varde ee dhaca Galbeedka Afrika sidoo kalena ku yaalla Badweynta Atlaantikada waxa uu…
Xubno katirsan AS ayaa saaka weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Federaalka ay ku leeyihiin Deegaanka…
“Xilligan qiimaha warbixinnadu kuma koobnaan doono degdegga wararka. AI waxa uu beddelayaa habka macluumaadka loo…
"Hiiraan waxa ay noqotey xudunta kacdoonka, halka Baxdo iyo deegaanno kale oo Galgaduud ah ay…
Ugu yaraan siddeed qof oo rayid ah oo Soomaali ah oo ay ku jiraan haween…
Muuqaal cusub oo laga helay dhismo dhawaan ku dumay Dadkii degenaa oo ku yaalla Xaafadda…