GUDAHA/wararka

Macallinka Xulka Qaranka Soomaaliya oo rajo wanaagsan ka muujiyay kulanka ay kahortagayaan Cummaan

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa kulan ciyaareed kamid ah Isreeb-reebka Koobka Carabta 2025 galabta xiliga Geeska Afrika marka ay tahay 4ta galabnimo kahortagaya dhiggooda Cummaan, waxaana socda diyaargarow iyo dhiirragelin isla socda.

Macallinka Xulka Qaranka Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) ayaa ciyaartoyda Xiddigaha Badweynta (Ocean Stars) kula dardaarmay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaagsan kuna tashtaan sidii ay guul uga gaari lahaayeen dhiggooda Cummaan.

Waxa uu qiray in uu kulankaan uu yahay mid adag balse ciyaartoyda xulkeenna looga baahan yahay in ay awood isugu geeyaan si ay libinta saddexda dhibcood uga fara-maroojin lahaayeen jaalkooda sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Tababaraha Xulka Cummaan, Carlos Queiroz ayaa sheegay in xulkiisa uu diyaar u yahay kulanka galabta, waxa uu amaanay isbaddelka iyo dardarta ciyaartoyda Soomaaliya ay lasoo shirtageen kulamadii ugu dambeeyay ay dheeleen.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe waxa ay isbaddel cusub la tagtay tartamada Kubadda Cagta, muddo kahor iskaba dhaafee in ay badiso waxaa ku adkayd in ay shabaqa xulka kasoo horjeeda gaarto, waxaana muuqda isbaddelkaas & horumarka laga sameeyay xulkeenna.

Xiddiga Badweynta (Ocean Stars) ayaa dhiggooda Cummaan waxa ay taariikhda inta diiwaanka ku jirta kahortagaan hal jeer, kulankaas waxa uu dhacay 20kii June 2021 waxaana uu kusoo idlaaday Oman 2-1 Somalia.

La soco natiijada kasoo baxda kulankaan

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

9 mins ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

5 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

6 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

8 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

9 hours ago